RW Kheyre iyo madaxda maamulada qaar oo tagay Garoowe

0
360

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali kheyre iyo madaxweyneyasha maamullada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa maanta si kala gooni gooni ah u gaaray magaalada Garoowe.

Madaxweynaha maamulka Puntland  Saciid Cabdulahi Deni ayaa wafuudan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe.

Madaxdan maanta tagay magaalada Garoowe ayaa maalinta beri ah ka qeyb gali doono shir wadatashi ah oo u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada sida u sheegay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulahi Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here