RW Soomaaliya oo dhaqaale lacageed ku tageeray dhismaha garoonka Mire aware ee Garoowe

0
377

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddiga dhismaha Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa kulan  qaatay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo dhaqaale lacageed Ku taageeray dadaallada lagu doonayo in lagu dhiso Garoonka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku aadan halka ay marayaan qorshaha iyo dadaallada dhismaha garoonka Mire Awaare ee Magaaladda Garoowe , waxa uuna u muujiyey ahmiyada garoonku uu u leeyhay dhallinyaradda Soomaaliyeed iyo is-dhexgalka Bulshadda ay hormuudka u yihiin dhallinyaraddu.

Guddoomiyaha Guddiga dhismaha garoonka Mire Awaare, Maxamed Cali Ciise ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay tageerada iyo garab istaagga buuxa ee uu siiyay.

Warbixintan ayaa waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here