Baladweyne ( Radio Beerlula )-Suuqa saamiyada Maraykanka ayaa maalinimadii shalay galay hoos u dhac ba’an, iyada oo in ka badan $1.75 tiriliyan ay suuqa ka baxday kadib markii saamiyada waaweyn ay si xowli ah u hoos ugu dhaceen.
Shaxda ganacsiga ayaa muujinaysa in shirkadaha tiknoolajiyadda ee ugu waaweyn sida Microsoft (MSFT -3.35%), Google (GOOGL -4.66%), Meta (META -4.51%), Apple (AAPL -4.87%), iyo Nvidia (NVDA -5.05%) ay la kul meen hoos u dhac saami oo weyn. Waxa kale oo burbur xooggan soo gaadhay shirkada Tesla (TSLA), oo hoos u dhacday 15.53%, taas oo noqotay mid kamid ah shirkadaha saamiyada ugu weyn lumiyay.
Qaybaha kale ee suuqa sida bangiyada, tignoolajiyadda, iyo ganacsiga tafaariiqda ayaa sidoo kale la kulmay cadaadis xooggan, iyada oo shirkadaha waaweyn sida Amazon (AMZN -2.26%), Walmart (WMT -4.32%), iyo JP Morgan (JPM -4.30%) ay si weyn hoos ugu dhaceen.
Dhaqaale-yahannadu waxay sheegayaan in sababaha hoos u dhaca ay la xidhiidho walwalka laga qabo dhaqaalaha guud, sicir-bararka, iyo suurtogalnimada sare u kaca dulsaarka bangiyada dhexe, taasoo cadaadis hor leh saartay maalgashadayaasha.
Suuqa saamiyada ayaa hadda wajahaya xaalad hubanti la’aan ah, waxaana maalgashadayaashu si dhow ula socdaan xaalada si ay u qiimeeyaan saameynta mustaqbalka.


