Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya oo xariga laga jaray

0
305

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Munaasabaddii xariga looga jarayay dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti oo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaasha labada dal, goleyaasha Dowladda iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeye ee Muqdisho ka hawl gala ayaa haatan lasoo gabagabeeyay.

Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa sheegay in Jabuuti ay guday abaalkii ay u gashay Soomaaliya islamarkana Soomaaliya ay gudi doonto.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bogaadiyay soo dhaweynta loo sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here