Safaaradda Mareykanka ee Nairobi oo muwaadiniinteeda uga digtay in laga dhaco boorsooyinka iyo taleefoonada

0
40

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa soo saartay digniin ammaanka ah iyadoo uga digtay muwaadiniinteeda ku nool Nairobi falal ammaan-darro oo ka dhacaya xaafadaha ay deggan yihiin.

 

Sida lagu sheegay digniin la soo dhigay bogga saafaradda waxaa ka mid ah dambiyada in la dhaco boorsooyinka iyo taleefooada.

 

Waxay u sheegtay muwaadiniinta Mareykanka in ay racaaan afar tallaabo si ay uga fogaadaan dambiyada.

 

Tallaabooyinka waxaa ka mid ah in ay ka taxadaraan deegaanka ay ku sugan yihiin iyo dhaqdhaqaaqooda.

 

Sidoo kale waxaa ku jira tallaabooyinka in aysan soo bandhigin wax calaamad ah oo muujinaya hantidooda sida xirashada dahabka, saacadaha ama in ay qaataan lacag badan.

 

Waxaa loo sheegay muwaadiniinta in aysan la dagaallamin marka ay burcada wajahaan ayna deganaan muujiyaan.