Saraakiil ka tirsan ciidamada badda Japan oo la la’yahay

0
126

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Hal askari oo ka tirsan ciidamada badda Japan ayaa dhintay todobo kalena waa la la’yahay ka dib markii labo diyaaradood oo helikobter ah ay burbureen xilli habeenimo ah oo howlo dhoolatus ah ay ka sameynayeen badweynta Pacific-ga.

helikobterta ayaa ku jirtay tababar ka hortagga marin-biyoodka meel u dhow jasiiradaha Izu, oo 600 oo kilomitir koonfur kaga beegan Tokyo, sida ay saraakiishu sheegeen.

Wasiirka difaaca Minoru Kihara ayaa sheegay in aan la ogeyn sababta shilka.