SAWIRRO: Wasaaradda waxbarashada oo ku dhawaaqday in deeq waxbarasho loo dirayo ardeydii kaalmaha hore galay

0
408

Baladweyne(Radio Beerlula)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed,wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada ,ayaa maanta kulan wada jira la qatay 10-kii ardey ee kaalmaha hore ka galay imtixaankii ay qaaday wasaaradda waxbarashada  ee 2018,2019-ka.

Madaxda wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka ayaa 10 ardey ee kaalmaha hore ka galay imtixaanka dowladda u ballan qaaday inay waxbarasho dibadda u diri doonto.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in mar walba wasaaradda waxbarashada ay diyaar u tahay kor u qaadista waxbarashadda ardayda Soomaaliyeed.

‘’Ka wasaarad ahaan waajib ayaa naga saaran sidaan u dhisi laheyn aqoonta ardayda Soomaaliyeed,waxana naga go’an in aan meel sare gaarsiino arday kasta waxana ay qeyb ka tahay hamigeena dhow”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada.

Wasiiro dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdule (jaabir) ayaa ardayda kala hadlay hamigooda ah heerka ay doonayaan in ay ka garaan waxbarashada waxana uu balan qaday in ka wasaarad ahaan ay garab istaagi doonaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in wax lagu farxo aytahay in ardayda Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin in ay heer ka gaaraan waxbarashada.

Wasaaradda waxbarashada ayaa wada dadaalo ku adan sidii kor loogu qaadi lahaaa waxbarashada ardayda Soomaaliyeed, iyadoo deeqo waxbarasho loo diray ardey Soomaaliyeed kuwaasoo hadda wax ka barta dalalka Shiinaha, Suudaan iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here