Saynisyahanno ku baaqay in la yareeyo isticmaalka hilibka xoolaha.

0
32

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Saynis yahanno badan ayaa ku talinaya in la yareeyo isticmaalka hilibka xoolaha ama xayawaanada kale ka yimaadda, iyaga oo ku talinaya in lagu beddelo isticmaalka khudaarta iyo waxyaabaha dhulka ka soo baxa.

Meelo badan oo caalamka ah waxa kusoo badanaya hilib macmal ah oo laga sameeyey khudaarta ama wax soo saarka dhirta.

Dugsi ay maamusho dawladda Cameroon oo ku yaalla caasimadda dalkaas, ayaa ardayda baraya sida loo sameeyo hilibka macmalka ah ee laga sameeyo dhirta.

Taasoo ah hal-abuurnimo uu maamulka dugsigaasi doonayo inay wax badan ka geysato, isbedelka cimilada.