Senateka Maraykanka oo ansixiyey miisaaniyad gaaraysa $460 billion

0
74

Baladwayne  ( Radio Beerlula )-Aqalka Senatka Mareykanka ayaa ansixiyay xirmo lacageed oo gaareysa $460 billion oo ah qeyb ka mid ah miisaaniyadda hay’adaha dowladda federaalka, saacado yar ka hor inta aysan xirmin shaqada dhowr hay’adood oo ka mid ah dowladda.

Sharci-dajiyaasha ayaa hadda maraya kala badh miisaaniyadda dowladda Mareykanka ee sannadkan 2024-ka. 75 ka mid ah mudanayaasha Senatka ayaa haa ugu codeeyay halka ay diiddeen 22.

Aqalka Wakiillada ayaa horay u soo ansixiyay qeybtan miisaaniyadda ah. Xeerkaan ayaa dhaqan gal noqonaya marka uu saxiixo madaxweyne Joe Biden.