Shacabka Ruushka oo ay cabsi soo food saartay ka dib markii uu qarxay Gantaal halis ah

0
357

Baladweyne(Radio Beerlula)- Shacabka ku nool waqooyiga fog ee dalka Ruushka ayay soo food saartay cabsi xoog leh oo ay ka qabaan sun hawada ku faaftay, ka dib markii uu si aan ku talagal ahayn u qarxay gantaal halis ah.

Warbaahinta Ruushka ayaa soo tabisay in gantaalka milatariga ee qarxay uu sababay shucaac hawada ku darsamay, kaasoo sababi kara waxyeello.

Dadweynaha ayaa u dagdagay inay soo iibsadaan kaniiniyaasha ka sameysan maadama loo yaqaanno iodine-ta, iyagoo doonaya inay isaga difaacaan khatarta soo wajihi karta.

Farmashiyeyaashii lagu iibin jiray iodine-ta ayaa lagu soo warramay inay kasii dhammaaneyso maadadaas.

Magaalooyinka ay cabsidan saameysay ayaa kala ah Arkhangelsk iyo Severodvinsk, waxaana lasoo tabinayaa in Iodine-ta ay ka idlaatay bakhaarrada dawooyinka.

Iodine-ta ayaa hor istaagi karta shucaaca oo qudhiisa ka sameysan nooc kamid ah isla maadadaas.

Hase ahaatee, dhakhaatiirta ayaa sheegay in dhibaato kale oo caafimaad ay sababi karaan kaniiniyaasha iodine-ta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here