Shaxda Ciyaartoydii Todobaadkan Ugu Fiicnaa Horyaalka Ingariiska Oo La Shaaciyay

0
84

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Khabiirka BBC Sport Garth Crooks ayaa soo saaray shaxda todobaadkan ugu fiicneyd horyaalka Premier League ka dib kulamo xiiso badan oo la ciyaaray.

Liverpool ayaa sii xajisatay hogaanka horyaalka ka dib markii ay 4-1 ku xasuuqeen Brentford, Arsenal weli waxay ku jirtaa kaalinta labaad iyagoo 5-0 ku xaaqay Burnley, halka Man City oo kaalinta 3aad ku jirta ay barbaro 1-1 kala kulantay Chelsea, Man United ayaa iyadana 2-1 kaga badisay Luton.

Goolhayaha todobaadkan ugu fiicnaa Premier League waxaa noqday goolhayaha Man City Ederson kaasoo wacdarro dhigay kulankii ay City barbaraha la gashay Chelsea.

Seddexda daafac ee ugu fiicnaa todobaadkan waxaa qaatay daafaca Wolves Semedo oo gacan ka geystay guushii ay ka gaareen Tottenham, daafaca Brighton Dunk oo qeyb ka qaatay xasuuqii ay 5-0 kaga badiyeen Sheffield United isagoo sameeyay caawin islamarkaana shabaqa u ilaaliyay kooxdiisa, waxaa daafaca dhameystiraya daafaca Nottingham Forest Murillo oo shabaqa u ilaaliyay kooxdiisa kulankii ay 2-0 kaga badiyeen West Ham.

Afarta khadka dhexe waxaa hogaaminaya Raheem Sterling oo kooxdiisa hore cashar u dhigay, Bukayo Saka iyo Odegaard oo xasuuqii Arsenal hormuud ka ahaa iyo Gomes oo guushii Wolves gacan ka geystay.

Seddexda weerar ee afka hore waxaa hogaanka u haya weerarka Manchester United Rasmus Hojlund oo dhaliyay labadii gool ee ay United kaga badisay Luton. Xiddiga Liverpool Mohamed Salah oo dhaawac ka soo laabashadiisa gool iyo caawin isku darsaday iyo xiddiga Aston Watkins oo dhaliyay labadii gool ee ku garaaceen Fulham.