Shaxda Macquulka Ah Ee Ay Man City Kala Hortageyso Liverpool Kulanka Maanta Ee Anfield

0
67

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester City ayaa qiimeyn doonta xaalada Jeremy Doku iyo Mathaeus Nunes halka Jack Grealish la filayo inuu dhaawac ku seego kulanka adag ay maanta la ciyaarayaan Liverpool.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa booqaneysa maanta Anfield iyagoo ku jira kaalinta seddexaad, waxay hal dhibic ka danbeeyaan Liverpool oo labaad ku jirta halka ay labo dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Arsenal.

Inkastoo ay si raaxo leh 3-1 uga badiyeen Copenhagen lugtii hore ee wareega 16ka Champions League, hadana waxay wajaheen dhaawacyo cusub oo Matheus Nunes iyo Doku ah.

Nunes ayaa waxaa ka jabtay farta gacantiisa taasoo u muuqatay mid xanuun badan, welina lama xaqiijin inta uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa.

Doku ayaa kulankaas ka maqnaa iyadoo Guardiola uu sheegay inuu qabay dhaawac muruqa ah.

Man City ayaa kulankii Champions League isbedelo badan ku sameysay shaxdeeda iyagoo nasasiiyay Phil Foden, Kyle Walker, Kevin De Bruyne, John Stones, Nathan Ake iyo Bernardo Silva.

Waxay dhamaantood soo laaban doonaan kulanka maanta iyadoo la filayo inay maqnaadaan Doku iyo Jack Grealish.

SHAXDA LA FILAYO INAY MAN CITY KALA HORTAGTO LIVERPOOL

(4-2-3-1):Ā Ederson; Walker, Stones, Dias, Ake; Rodri, De Bruyne; Silva, Alvarez, Foden; Haaland

Waxaa shaki ku jiraa:Ā Nunes, Doku

Waxaa dhaawac ku maqan:Ā Grealish