Shir looga hadlayo sida haweenka uga qeyb qaadan karaan siyaasadda oo ka furmay Baladweyne.

0
373

Baladweyne(Radio Beerlula)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka furmay shir looga hadlayo sida haweenka uga qeyb qaadan karaan siyaasadda islamarkana uga hortagi karaan caqabadaha soo wajaha.

Shirkan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah waxana ka qeyb galaya haween kala socda xaafaddaha magaalada Baladweyne, waxana sidoo kale diirada lagu saaraya horumarinta haweenka.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Carte ayaa Radio Beerlula uga warantay ahmiyadda shirkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here