Trump oo Kim ugu baaqay inuu hubkiisa Niyuukilarka ku soo wareejiyo

0
369

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Kim Jong un warqad u diray isaga oo ugu baaqay inuu hubka Niyuukilarka uu dalkiisu leeyahay uu ku soo wareejiyo.

Mr Trump warqad yar oo uu u diray Mr Kim ayuu uga dalbaday inuu hubkiisa Niyuukilarka uu gacanta ka soo geliyo.

Kulanki labada hoggaamiye ay bishi hore ku yeesheen dalka Vietnam marki uu dhicisoobay kaddib madaxweyne Donald Trump wuxuu gacanta ka geliyey qoraal uu ku sheegay Kuuriyada Koonfureed iney la gudboon tahay iney hubkeeda Niyuukilarka ku soo wareejiso Mareykanka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in marki ugu horreysay dalab noocani ah loo soo jeediyey xukumadda kuuriya koonfureed waxay ahayd sanaddi 2004-tii.

Hase ahaatee aqalka cad ee Mareykanka ayaa ka gaabsaday codsiga Trump uu Kim u jeediyey inay faahfaahin dheeraad ah ay ka bixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here