Shirka Horumarinta Iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

0
343

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa  guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka qey galay xubno  ka socda beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha waxana diirada lagu saaray Arimaha doorashooyinka, qorsha dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Kulanka  ayaa sidoo kale looga hadlay shirka xariirka Iskaashiga Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabanayo bisha July ee sannadkaan.

Shirka ayaa  warbixin looga dhagaystay maamulka gobalka Banaadir oo soo bandhigay mashaariicda ka socota gobalka iyo horumarrada uu ku tillaabsaday.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ayaa sidoo kale shirka kusoo bandhigtay horumarka laga gaaray u diyaar garowga doorashooyinka dalka ee sannadka 202o-ka

Wasaaradda haweenka,  ayaa shirka kusoo bandhigtay mashruuca horumarinta haweenka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan C ayaa ka waramaya ahmiyadda shirkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here