Shirka maayarada magaalooyinka dalka oo ka furmay Muqdisho.

0
149

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka arrimaha gudah, federaalka iyo dib u heshisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada Muqdisho ka daah furay shirka maayarada magaalooyinka dalka kaasoo lagu soo bandhigayo dhinacyada horumarka, caqabadaha iyo arrimaha kale ee ku gadam howlaha la xiriira dowladaha hoose, waxana shirkan uu socon doonaa muddo laba maalmood ah.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ah wasiirada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada qaar, maayarada magaalooyinka Beledweyne, Dhuusamareeb, Cadaado, Cabdudwaaq, Baydhabo, Xudur, Marka, Waajid, Baraawe, Kismayo, Garbaharey, Afmadow, Jowhar, , Warsheikh, maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda degmooyinka Shangani, Yaaqshid , Hodan iyo Dharkeynley.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi  Saneey