Shirka tubta siyaasadda loo dhan yahay oo looga hadlay Hannaanka dawladnimo ee Qaranka Soomaaliyeed iyo Maqaamka Caasimadda

0
341

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaare ku-xigeen xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlay Hannaanka dawladnimo ee Qaranka Soomaaliyeed iyo Maqaamka Caasimadda.

Kulanka  ayaa looga dooday xulashooyinka Hannaanka dawladnimo ee Qaranka Soomaaliyeed uu yeelanaayo ee la midka ah hannaanyada dawladeed ee caalamka ka jira, waxaana la isku af-gartay in doodda la sii wado, natiijada kasoo baxdana lagu soo celiyo tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Mas’uuliyiinta ka socday hay’adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa sidoo kale ka dooday maqaamka caasimadda Soomaaliya ay ku yeelanayso hanaanka federaaliga ah ee dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka waramaya arrimaha diirada lagu saaray kulanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here