Shirkadda bixisa internet-ka ee Itoobiya oo la dacweynayo

0
330

Baladweyne(Radio Beerlula)- Koox qareenno Itoobiyaan ah ayaa qorshaynaya in ay dacweeyaan shirkadda kali ah ee internetka bixisa oo dawladdu leedahay oo khadkii jaratay maalintii siddeedaad.

Waxay ku doodeen in arrintani ay ka dhigantahay muwaadiniinta oo laga hor istaagayo xogta, sida uu BBC-da u sheegay qareen Yohannes Enyew.

Khad la’aanta ayaa billaabatay Talaadadii, waxayna saamaysay qaybo badan oo dalkaas ah.

Khadka ayaa Jimcihii u soo noqday magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa, balse waxay u muuqataa in khadku uu ka maqan yahay Itoobiya inteeda badan.

Mararka qaar ayuu soo noqonayay toddobaadkii hore balse wakhti badan ma sii joogayn.

Fariimaha gaaban ayaa sidoo kale la joojiyay tan iyo Khamiistii.

Shirkadda isgaarsiinta ee Ethio Telecom kama hadlin sababta khadka loo jaray, balse dadka ayaa isla dhex maray in looga hortago in imtixaanaadka qaranka la qisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here