Shirkadda iska leh Facebook ee Meta oo xallisay cilladdii ku timid aaladahooda

0
66

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Meta ayaa sheegtay in ay xalisay “arrin farsamo” taasoo sababtay in Facebook, Messenger iyo Instagram ay hoos u dhacaan.

Boqolaal kun oo isticmaaleyaal adduunka oo dhan ah ayaa awoodi waayey in ay galaan ku dhawaad laba saacadood Talaadadii

Dadka isku dayaya in ay galaan mareegaha iyo apps-ka waxay helayeen farriimo khalad ah mana awoodin in ay wax ku daabacaan sidii caadiga ahayd.

Meta ayaa sidoo kale raaligelin ka bixisay dadkii ay waxyeeladu soo gaartay, iyadoo sheegtay in ay xalisay dhibaatada sida ugu dhaqsaha badan ee ay awooddo.