Thierry Henry Oo Magacaabay Kulamada Dhibaateyn Kara Arsenal Xilli Ciyaareedkan.

0
78

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Arsenal ayaa waqtigaan u muuqata inay dardari karto koox walba oo horteeda la soo dhigo, laakiin halyeeyga kooxda Thierry Henry ayaa sharaxaad ku bixiyay in kooxdiisa ay u baahan tahay inay taxadarto, iyadoo kooxda ay u harsan tahay 11 kulan.

Arsenal ayaa wacdarro dhigtay habeenkii Isniinta iyagoo lix gool ku xasuuqay Sheffield United islamarkaana fariin u diray kooxaha Manchester City iyo Liverpool.

Laakiin kulamo adag oo ay wajahayaan isbuucyada iyo bilaha soo socda kooxda Mikel Arteta ayaa wajihi doonta tijaabi adag xilli ciyaareedkoodii labaad ee ay isku dayayaan inay ku guuleystaan horyaalka.

Henry ayaa magac dhabay lix kulan oo ay Arsenal u baahan tahay inay isku diyaariso islamarkaana u aragto imtixaankeedii ugu weynaa xilli ciyaareedkan.

Henry oo u hadlayay Sky Sports ayaa yiri: “Aniga ahaan marka aan eego, kulamada adag ee ay wajahayaan waa Chelsea, sababtoo ah Chelsea si aad u fiican ayay u la ciyaartaa kooxaha kubada heysta gaar ahaan marka ay gurigooda ka soo maqan yihiin.

“Manchester City kulankooda sida uu noqon doono yaa og?

“Brighton oo aan marti u nahay, Wolverhampton, iyo kooxda aan rabin inaan magacaabo [Tottenham], waan ogahay inay doonayaan inay hubiyaan inaynan badinin, sidoo kale Manchester United marti ayaan u nahay oo waa halis.”

Henry ayaa magacaabay kulanka Chelsea ay booqaneyso Emirates Stadium iyo kulamada ay u safrayaan Brighton, Wolves, Man City, Man United iyo Tottenham inay noqon karaa kuwa dhibaato u abuura Arsenal.