Muxuu Kylian Mbappe Ka Yiri Xiriirka Kala Dhaxeeya Tababaraha PSG Luis Enrique.

0
79

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kylian Mbappé ayaa ahaa xiddiga garoonka Anoeta iyadoo labadii gool uu dhaliyay ay PSG u soo saartay wareega sideed dhamaadka Champions league.

Ciyaarta ka dib, waxa uu Kylian Mbappe wareysi kooban siiyay Canal Plus oo dalka Faransiiska ka baxa, waxaana uu ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya tababare Luis Enrique oo bedelay labadii kulan ee ugu danbeysay horyaalka.

Goolashii ay dhalisay ma waxay aheyd fariin aad direysay?: “Ma aanan direynin fariin gaar ah. Kaliya waxaan mar walba doonayaa inaan ka ciyaaro Champions League. Waxaan doonayaa inaan qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigo. Mararka qaar waa guuleystaa, mararka qaar ma guuleysto. Laakiin ma ahi marnaba ciyaaryahan is qariya.”

Waa sidee xiriirka kaala dhaxeeya Luis Enriqye? “Aad iyo aad ayuu u fiican yahay. Wax dhibaato ah kuma qabo isaga, inkastoo dadka qaar ay sidaas moodaan. Dhibaatooyin badan ayaa i heysta laakiin tababaraha kama mid ahan.”

Ka waran u soo bixitaankiina wareega 8da?: “Aad ayaan ugu faraxsanahay, yoolkeena ayay aheyd. Waxaan dooneynay inaan soo baxno, laakiin sidoo kale inaan badino oo aan ciyaarta ka dhigno mid degan. Taas ayaana sameynay. Qorshe ciyaareed cad ayaan heysanay. Waxaan awood u yeelanay inaan gool si degdeg ah u dhalino. Dhibaatooyin waa weyn ma aynan wajihin. Wax yar dhamaadkii laakiin ma aheyn wax aan ku rafaadnay.”

Qorshe ciyaareedkiina muxuu ahaa?: “Durbadiiba waan ogeyn inaynan seexan karin, guushii 2-0 ee lugtii hore waxay aheyd natiijo aan la isku haleyn karin. Haddii ay goolka hore dhalin lahaayeen waxay nagu riixi lahaayeen inay ina barbareyaan madaama ay taageerayaasha heystaan. Sidaasi darteed waxaan durbadiiba u dhaqaaqnay inaan rajadooda dilno. Taas ayaana sameynay.”