Shirkaddaha diyaaradaha dunida oo hakad galiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen Israaiil.

0
23

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dalal badan oo ku yaalla bariga dhexe ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay hawadooda, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday Israa’iil, waxaana la hakiyey duulimaadyo badan, halka kuwii hawada kusoo jirayna loo leexiyey meelo kale.

EasyJet ayaa hakad galisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay kana iman jirtay Tel Aviv maalmaha Axadda iyo Isniinta.

Diyaaradda United Airlines ee laga leeyahay Maraykanka ayaa hakisay duulimaadkii ay ku tegi jirtay Tel Aviv Sabtidii, ka dib markii ay Israa’iil xidhatay hawadeeda. Sidoo kale diyaaraddan ayaa hakisay duulimaad kale oo ay ku tegi jirtay caasimadda dalka Urdun ee Cammaan.

Diyaaradda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee Emirates ayaa iyaduna hakisay duulimaad ay ku tegi jirtay caasimadda dalka Urdun ee Cammaan.

Sidoo kale diyaaradaha Air France, British Airways iyo Luftansa ayaa iyana ka mida diyaaradaha gobolka u safri jiray ee hakiyey duulimaadyadooda.