Solskjær oo ka hadlay wararka xanta ah ee ku saabsan in laga ceyrinayo kooxda Man United

0
334

Baladweyne(Radio Beerlula)- Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær, ayaa ka hadlay wararka xanta ah ee ku saabsan in shaqada laga ceyrinayo, kaddib guuldaradii Başakşehir.

Manchester United ayaa guuldarro kala soo kulantay kooxda Istanbul Basaksehir oo ay booqatay, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada saddexaad wareega Group-yada tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2020/21.

Kaddib ciyaarta Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa u sheegay warbaahinta:

“Waan ka soo horjeedaa inaan ka hadlo waxyaabahan oo kale, dabcan waa xilli hore fikradahana wey jiraan markasta, waa inaad adkaysataa”.

“Anigu waxaan ahay shaqaale ka tirsan kooxda, waxaan qabtaa shaqo, waxaana sameynayaa inta aan karo ee awoodeyda ah”.

Si kastaba ha noqotee, waxaa leysla dhex marayaa warar xan ah ee ku aadan in Ole Gunnar Solskjær laga ceyrinayo shaqada Tababaraha ee kooxda Manchester United, kaddib guuldaradii xalay ee Başakşehir, xilli macalinka reer Norway uu diiday inuu ka hadlo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here