Suudaan oo laga hakiyay xubinimadii midowga Afrika iyo Abiy Axmed oo booqanaya Khartum.

0
330

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa jimcaha maanta booqan doona magaalada Khartoum si uu u dhex-daadiyo hogaamiyayaasha milatariga haya talada dalka Sudan iyo isbahaysiga kooxaha dibad-baxayaasha, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan safaaradda Ethiopia ee Khartoum.

Ilo-wareedyada ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in Abiy uu la kulmi doono Golaha Militariga Sudan iyo Isbahaysiga Xooggagga Xoriyadda iyo Is-beddelka, inta lagu guda jiro booqshadiisa halka maalin ah.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika ayaa Sudan ka hakiyey xubinnimadii iyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii ururka, inta dowlad rayid ah looga dhisayo dalkaas.

Golaha ayaa go’aankan ku dhowaaqay kadib kulan  ay ku yeesheen magaalada Addis-Ababa.

Go’aanka ayaa ka dambeeyey kadib markii dhowaan ay sare u kaceen rabshadaha dalka Sudan, ayada oo ciidamada ammaanka ay toddobaadkan dileen dad ka badan 100 qof oo dibad-baxayaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here