Suudaan oo Mareykanka ugu Baaqday in uu sii Ambaqaado Dhexdhexaadinta Wadahadallada Biya Xireenka Niil.

0
270

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Suudaan ayaa ugu baaqday dalka Mareykanka in uu sii ambaqaado dadaallada dhexdheaadinta ah ee uu ka waday muranka biya xireenka Wabiga Niil.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan, Asmaa Maxamed Cabdalla ayaa hadalkan ka sheegtay xilli ay wareysi siinaysay wakaaladda wararka dowladda Suudan.

Wasiiradda ayaa ammaantay kaalintii mugga lahayd ee Bangiga Adduunka iyo Mareykanku ka geysteen isu soo dhaweynta saddexda dhinac (Suudaan, Masar iyo Itoobiya) ee uu ka dhexeeyo muranka biya xireenka wabiga Niil ee dhismihiisu ka socdo Itoobiya.

Mareykanka ayay ugu baaqday in uu sii wado dadaalladii uu ku lahaa xal u helidda muranka ilaa laga gaarayo natiijo dhinacayda oo idili ay ku qanacsanyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here