Tartan orodka oo lagu qabanayo Baladweyne.

0
416

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha olombikadda gobolka Hiiraan Cali Maxamed Cabdi Raaxoy ayaa Radio Beerlula u sheegay in dhammaada tartankan kubadda cagta ee ka socda magaalada Baladweyne ay qaban doonaan tartan orodka 500 ee Mitir.

Cali Maxamed Cabdi Raaxoy ayaa tilmaamay in tartankan orodka ay ka qeyb gali doonaan 20 ruux islamarana lagu qaban doono tartanka garoonka laqanyo ee magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha olombikadda gobolka Hiiraan Cali shaal ayaa sheegay in tartankan orodka ay gacan ka geysanayaan maamulka gobolka iyo ururka dhalinyarada Koonfurta iyo bartamah Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here