Thomas Tuchel Oo Magacaabay Ciyaaryahankii Bayern Munich Ee Kooxdiisa Guuldarro U Sababay Xalay

0
73

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Thomas Tuchel c ayaa weerar ku qaaday xiddigiisa Dayot Upamecano kaasoo casaan qaatay islamarkaana keenay rigooradii ay Lazio ku garaacday Bayern Munich kulankii Champions League ee xalay.

Kooxda heysata horyaalka Bundesliga ayaa dooneysay inay ka soo kabsato xasuuqii ka soo gaaray Bayer Leverkusen laakiin waxaa dusha loo saariyay guuldarro kale taasoo cadaadiska ku kordhineysa tababare Thomas Tuchel.

Ka dib markii ay ku guuldareysteen inay gool u bedelaan fursado yaryar oo ay heleen Harry Kane iyo Jamal Musiala, Bayern Munich ayaa xaaladeeda ay sii xumaatay qeybtii labaad.

Qalad xun uu xiddiga Faransiiska Upamecano ku galay weeraryahanka Lazio Gustav Isaksen ayaa keentay in rigoore laga dhigo islamarkaana Bayern Munich ay noqoto 10 ciyaaryahan madaama daafaca uu qaatay casaan toos ah.

Ciro Immobile ayaa rigoorada gool u sarifay isagoo ka caawiyay inay Lazio 1-0 ku badisay ka hor lugta labaad ee wareega 16ka ee ka dhici doonta Allianz Arena 5ta bisha Maarso.

Ka dib markii ay ciyaarta soo dhamaatay, tababarihii hore ee Chelsea ayaa ka hadlay sida uu uga careysan yahay guuldarada iyo habdhaqanka Upamecano ee sababay guuldarada kooxda.

“Aad ayaan uga careysanahay guuldarada” ayuu yiri Tuchel. “Waxaan aaminsanahay inaan anaga guuldarada isku sababnay oo aysan Lazio naga badinin.

“Waxaan sameynay wax walba oo aan ku guuldareysan karnay, qaladaad badan iyo kalsooni xumo ayaa ina hareysay. Ma aheyn in Upamecano uu sidaas u dhaqmo. Taakalkiisa ma aheyn mid waali ah ama ku talogal ah, laakiin waxay aheyd inuu kaliya darbada baloogo”