Tirada dadka ku dhintay daadad ku dhuftay Indonesia oo sii korortay

0
305

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ugu yaraan 73 qof ayaa ku dhintay in ka badan 60 qofna waa la la`yahay kaddib daadad ku dhuftay gobolka bariga Indonesia ku yaalla ee Papua.

Kooxaha badbaadada ayaa dadaal ugu jira sidii ay u gaari lahaayeen dhulalka miyiga ah ee gobolka ka tirsan, waxaana jira cabsi ah in tirade dhimashada ay sii kororto.

Waddooyinka ayaa waxaa jaray daadad  iyo geedo soo jabay, daadadka ayaa sidoo kale saameeyay buundooyin iyo in ka badan boqol guryo.

In ka badan 4,000 oo qof ayaa ku qasbanaaday inay guryahooda isaga baxaan, qaarkood ayaana hoy ka dhigtay xafiisyada dowladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in roobab xoog leh oo bilowday fiidnimadii Sabtidii uu da`ayay habeenkii oo dhan, kuwaas oo sababay daadad.

Dadka ku waxyeeloobay daadadkaas ayaa laga baadigoobayaa magaalada Sentani, oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay daadadku saameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here