Trump iyo Sadiq Khan oo mar kale foodda is daray

0
319

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale dhaliilay maayarka magaalada London Sadiq Khan, oo uu ku tilmaamay in dalkaas uu “sharaf darro qaranka ku yahay” kaas oo uu sheegay in uu burburinayo caasimadda UK.

Trump ayaa qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in Mr Khan uu musiibo ku yahay magaalada caasimadda ah loona baahan yahay maayar cusub.

Hadalkiisa ayaa imaanaya kaddib markii saddex weerar ay 24 saac gudahood ka dheceen magaalada London oo  ku dhinteen saddex ruux halka saddex kalana ay ku dhawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here