Trump oo canshuuraya filimada aan Mareykanka aheyn.

0
144

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in aflaanta lagu sameeyo dibadda uu saarayo canshuur boqolkiiba boqol ah.

Tani waxay kor u qaadeysaa tallaabooyinka canshuuraha uu ku saarayo waxyaabaha dibadda Mareykanka ugu yimaada.

Wuxuu sheegay in uu ku amrayo wasaarada ganacsiga in ay bilowdo nidaam canshuuro maadaama ay si degdeg ah u sii dhimanayaan filimada Mareykanka.

Trump ayaa sabab uga dhigay canshuurtiisa “dadaallo isku xiran” oo ay wadaan dalalka kale kuwaas oo ay ku soo jiidanayaan filim-sameeyayaasha taaasna wuxuu ku tilmaamay in ay “khatar ku tahay ammaanka qaranka”.

Mid ka mid ah ururrada filimada ayaa ka digay suuragalnimada in hadalada Trump ay dhaawac u geystaan ganacsigaas oo filim-sameeyayaasha ay sannado ka raadinayeen Canada iyo UK qiimo jaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here