Trump oo dib u dhigay canshuurihii uu saaray Canada iyo Mexico

0
158
“President Donald J. Trump for Time Magazine in 2019” by Pari Dukovic, inkjet print, June 17, 2019 (printed 2020). National Portrait Gallery, Smithsonian Institution. Copyright 2019 Pari Dukovic. President Donald J. Trump for Time Magazine in 2019

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Arbacadii muddo bil ah dib u dhigay canshuur kordhin gaareysa 25% oo uu dul dhigay baabuurta ay Mexico iyo Canada u soo dhoofiyaan Mareykanka.

Hakintan ayaa ku soo beegantay xilli laga cabsi qabo in dagaalka ganacsi ee u dhexeeya dalalka deriska ah uu waxyeello u geysto saddexda shirkadood ee ugu waaweyn soo saarista baabuurta Mareykanka, oo loo yaqaanno “Big 3”.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa wariyeyaasha u sheegtay in ka hor inta uusan Trump ku dhawaaqin go’aanka hakinta, uu la hadlay saraakiisha sare ee saddexda shirkadood ee Ford, General Motors, iyo Stellantis.

Waxay sheegtay in Trump uu ku booriyay shirkadaha baabuurta inay wax soo saarkooda ka yimaada Mexico iyo Canada u soo raraan Mareykanka, si ay uga fogaadaan canshuuraha uu maamulkiisu dul dhigay dalalkaasi.

Inkasta oo canshuuraha gaadiidka la hakiyay, haddana wali waxaa taagan canshuur kordhinta uu madaxweynaha Mareykanka saaray qaar kale oo ka mid ah badeecadaha uga yimaada Mexico iyo Canada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here