Waa kuma ciyaaryahanka iska diiday kooxda Real Madrid

0
311
????????????????????????????????????

Baladweyne(Radio Beerlula)- Laacibka khadka dhexe ee naadiga River Plate, Exequiel Palacios ayaa la soo warinayaa inuu hoos u dhigay dalab kaga yimid Real Madrid si uu ugu biiro kooxda reer Talyaani ee Inter Milan suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

20-sano jirkaan, Palacios ayaa dhaliyey afar gool, waxaana uu dhiibay ama caawiyey todoba gool oo kale 47 kulan oo uu u ciyaaray River Plate tartammada oo dhan tan iyo markii uu ka mid noqday kooxda koowaad ee reer Argentina.

Real Madrid ayaa la rumeysan yahay in xiiseynayso saxiixa laacibkan khadka dhexe, laakiin warsidaha Don Balon ayaa warinaya in Palacios uu dareensan yahay inuusan fursad badan oo uu ku ciyaaro ka heleynin halkaas, sidaas darteed waxa uu door-bidayaa inuu ku biiro Inter Milan.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Palacios uu sidoo kale rabo inuu la xiriiro oo uu ka garab ciyaaro laacibka ay isku waddanka yihiin ee Lautaro Martinez oo ku sugan Talyaaniga, maadaama xiddiga reer Argentina uu iminka u ciyaaro kooxda Inter Milan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here