Wadada laamiga ee dhaxmarta bartamaha Baladweyne oo laga sameeyay olole nadaafadeed.

0
448

Baladweyne(Radio Beerlula)- Olole nadaafadeed oo kor loogu qaadayo bilicda magaalada Baladweyne ayaa ka socda goobaha muhiimka ee ku yaalla magaalada Baladweyne.

Ololahan nadaafadeed oo loogu magac darday isku taashi ayaa waxaa ku dhawaaqay madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, kaasoo maalintii saddexaad ka socda Baladweyne, waxana maanta laga sameeyay wadada laamiga ee dhaxmara bartamaha magaalada.

Ku xigeenka duqa magaalada beledweyne cabdi xuseen cisman canjeex ayaa radio beerlula usheegay in ay ka go,antahay siiwadada howlahan nadaafada ilaa laga xaqiijinayo bilicda magaalada.

Qaar kamid ah dadka ka qeyb galay ololahan naafadeed ayaa Radio Beerlula u sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ka qeyb qaatan ololahan kor loogu qaadayo bilicda Baladweyne.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here