Wafdi ka socda dowladda federaaalka uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada oo soo gaaray Baladweyne

0
335

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre islamarkana ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Baladweyne kuwaasoo door dhax dhaxaadin ah ka qaadan doona xalinta khilaafka taagan Baladweyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in wafdiga yimid ay xaliya xalaadda jirta.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay inuu ku rajo weyn yahay inay xal u helan arrimaha ka jira magaalada Baladweyne.

Warbixintan waxaa noo haya Aadan Cabdi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here