Wakiilka Erling Haaland Oo Kulan La Yeeshay Koox Weyn Xilli Mustaqbalkiisa Shaki Uu Ku Jiro

0
63

Baladweyne (Radio Beerlula)-Haaland, oo 23 jir ah, ayaa saameyn weyn ku yeeshay kubada cagta Ingariiska tan iyo markii uu City ugu soo biiray 51 milyan ginni oo uu kaga soo dhaqaaqay Borussia Dortmund 2022kii.

Xiddiga reer Norway ayaa dhaliyay 79 gool 83 kulan oo uu u saftay kooxda Etihad Stadium ka dhisan. Waxa uu durba la qaaday Man City Champions League, Premier League iyo FA Cup.

Real Madrid ayaa si xoogan loola xiriirinayay Haaland kadibmarkii ay ku guuldareysteen saxiixiisa labo sannadood ka hor markii uu joogay Borussia Dortmund.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka ayaa haatan lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo kooxda ay Real Madrid xafiiltamaan ee Barcelona. Waxayna taasi timid ka dib markii wakiilkiisa Rafaela Pimenta la arkay isagoo la kulmaya agaasimaha ciyaaraha Barcelona Deco galabnimadii Arbacada.

Jariirada Isbaanishka ee Jijantes FC ayaa baahisay muuqaal Pimenta iyo Deco oo soo galaya kana soo baxaya hal xafiis iyaga oo sheegay in ay wada hadalo ka yeesheen mustaqbalka Haaland.

“Deco, oo ah agaasimaha isboortiga Barca, ayaa maanta la kulmay Rafaela Pimenta iyo Maxwell, wakiilada weeraryahanka Norway, iyo kuwo kale oo badan,” Jijantes ayaa sidaas ku soo qortay bogga X ee Twitter la oran jiray.

“Mustaqbalka Haaland iyo Riyada weyn ee Laporta ayaa ka mid aheyd mowduucyadii looga hadlay kulanka.”

Qandaraaska Erling Haaland ee Manchester City waxaa weli ka harsan in ka badan seddex sannadood