War been abuur ah oo sababay isku dhac dhex maray Tahriibayaal iyo boolis

0
299

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ciidamada booliska ee dlka Giriigga ayaa dagaal gacanta la isula tagay la galay boqollaal tabriibayaal ah oo isugu tagay meel u dhow magaalada ku taalla dhinaca waqooyi ee Thessaloniki.

Dadka soo galootiga ah ayaa halkaas si deg deg ah ugu xoomay iyagoo rajeynaya inay u gudbaan Waqooyiga waddanka Masadoninay

Dhibaatada ayaa markii ugu horreysay ka billaabatay xerada qaxootiga ee lagu magacaabo Diavata, ka dib markii baraha xiriirka bulshada lagu faafiyay war sheegaya in xadka loo furi doono dadka soo galootiga ah.

Wargayeska kasoo baxa Giriiga ee la yidhaahdo Kathimerini ayaa soo tabiyay in tobannaan qof oo soo galooti ah ay ku mudaharaadeen gawaari waaweyn oo ku sugnaa boosteejada Larissa ee magaalada Athens, arrintaasoo kalliftay in la joojiyo adeegga tareennada.

Inbadan oo ka mid ah dadkan ayaa ah qaxooti kasoo tahriibay bariga dhexe.

Wariyeyaasha halkaas jooga ayaa sheegaya in qaar ka mid ah soo galootiga ku sugan bannaanka hore ee xerada ay ulo iyo dhagaxaan ku tureen booliska oo iyagana ku jawaabay suntan dadka ka ilmeysiisa.

Warbaahinta Giriiga ayaa been abuur ku tilmaamay wararka lagu faafiyay Facebook-ka ee ku saabsan inuu jiro qorshe soo galootiga loogu fasaxayo inay u tallaabaan xadka waqooyiga Masadoniya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here