Baledweyne ( Radio Beerlula )-Komishinka Dooroshooyiinka Maamulka Soomaaliland iyo Ururka Suxufiyiinta SOLJA ayaa Magaalada Berbera tababar ugu daahfuray inkabadan 300 boqol oo saxafiyiin ah kuwaas oo ka howlgeli doono Doorshooyiinka maamulkaasi.
Tababarkaan inta uu socdo ayaa waxaa lagu qaadan doono cashiro la xiriira qaab loo tabiyo dooroshooyiinka iyo Nidaamka ugu wanaagsan ee loo gaarsiin karo bulshada.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.