Wasaaradda Boostada oo dib-u-dhisaysa Xaruntii Taleefannada ee dalka

0
429

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka Boosta, isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa maanta la wareegay xarunta taleefannada dalka oo ku taalla degmada Warta Nabadda ee gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Warta nabadda Seynab Maxamed Xaabsey ayaa ka codsatay shacabka ku harsan dhismahan inay ka guuraan.

Eng. Cabdi Canshuur Xasan  ayaa sheegay in ugu dambayn June 10, 2019 in dib-u-dhis lagu billaabayo, marka lagu guulaystana dhismahana laga dhigayo xarun tababar oo dhallinyarada Soomaaliyeed ay kusoo bandhigaan hal abuurkooda la xariira Teknoolojiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here