Wasiirka waxbarashada XFS oo la kulmay wakiilka UNICEF ee Soomaaliya

0
337

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Mr. Werner Schultink.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada iyo xubno ka tirsan Wasaaradda waxana looga hadlay kulanka xoojinta mashariicda horumarineed ee hay’adda UNICEF ka fuliso Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada.

“Maanta waxaan magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Hay’adda Unicef ee Soomaaliya Mr. Werner Schultink. Arrimaha ka wada hadalnay waxaa ka mid ah mashariicda horumarineed ee hay’adda UNICEF ka fuliso Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada,” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xubnaha ka socday hay’adda UNICEF uga mahad celiyay taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka waxbarashadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here