Wasiiro cusub oo ka tirsan Hirshabeelle oo xilalka la wareegay.

0
82

Baladweyne(Radio Beerlula)-Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Cabdifataax Xasan Faarax iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamuud Sheekh Cali Salaad.

munaasabada xilwareejinta ayaa waxaa goobjoog ahaa xildhibaano iyo wasiiro katirsan Hirshabeele waxaana intii ay socotay munaasabada lagu soo bandhigay ahmiyada ay leeyihiin labadan wasaaradood.

Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan