wax ka ogoow Kulamadii Xalay dhacay Koobka Qarammada Afrika

0
451

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xulka South Africa ayaa guul ka gaaray Namibia kulan ka tirsan Koobka Qarammada Afrika 2019.

Xulka South Africa ayaa sidaasi ku helay saddexdii dhibcood ee ugu horreysay, waxaana ay kaalinta labaad xulkii ku soo bixi lahaa kula dagaalami doonaan Ivory Coast oo ay wadaagaan min 3-dhibcood.

Morocco ayaana ah xulka kaliya ee illaa iyo hadda xaqiijiyey inay u soo baxeen wareegga 16-ka koobka qarammada qaaradda Afrika, kaddib markii ay adkaadeen labo kulan oo xiriir ah.

Sidoo Kale Xulka Argentina ayaa guul 2-0 ka gaaray dhiggooda Venezuela, waxaana ay iska xaadiriyeen afar dhammaadka tartanka Copa America 2019.

Argentina ayaana afar dhammaadka Copa America 2019 waxa ay la ciyaari doonaan xulka sanadkan marti-gelinaya tartanka ee Brazil oo xalay rigooreyaal kaga soo gudbay Paraguay.

Dhanka Kale Morocco ayaa guul ka gaaray xulka Ivory Coast kulan ka tirsan Koobka Qarammada Afrika 2019, waxaana ay u soo baxeen wareegga 16-ka tartankan kaddib markii ay hoggaanka u qabteen guruubka D. waxaa aay leeyihiin  lix dhibcood   kaddib markii ay adkaadeen labadii kulan ee ay ciyaareen

Ugu Danbeyna Xulalka Mali iyo Tunisia ayaa ku kala baxay barbaro 1-1 ah, kulan ka tirsan Koobka Qarammada Afrika  xulka Mali 4 dhibcood ayuu ku hogaaminaya Group E halka Tunisia ay kaalinta 2-aad ku fadhiyaan 2 dhibcood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here