Waxaan ku fikirayaa abaal marinta Ballon d’Or” – Eden Hazard

0
345

Baladweyne(Radio Beerlula)-  Eden Hazard ayaa shir jaraa’id rasmi ah uu xalay kaga soo muuqday howlka shirirka ee garoonka Santiago Bernabeu kaasoo ay kasoo qeyb galeen warbaahinta qeybaheeda kala duwan, wuxuu ku muujiyay sida uu u doonayo inuu ugu guuleysto abaal marinta Ballon d’Or.

Hazard ayaa subaxnimadii shalay ee khamiista soo gaaray caasimada Madrid ee dalka Spain isaga iyo qoyskiisa si uu u saxiixo heshiiska uu haatan sida rasmi ah kaga mid noqday kooxda Real Madrid.

Laacibka reer Belgian ayaa ka hadlay waxyaabo badan ee quseeya imaatinkiisa kooxda Real Madrid iyo riyooyinka uu doonayo inuu gaaro oo ay ka mid tahay abaal marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or si uu u noqdo xiddiga ugu fiican aduunka.

“Ballon d’Or? Ma aqaano xaqiiqdii inay sahlan tahay inaan halkan ugu guuleysto, laakiin sannadihii u danbeeyay ciyaartoyda Real Madrid ayaa inta badan ku guuleysanayay”.

“Haa, waxaan ku fekerayaa Ballon d’Or, balse kama dhigna inay tahay wax walba, ugu horeyn waxaan doonayaa in halkan aan ugu guuleysto koobab, Inaan ku guuleysto dhamaan tartamada waxay iga dhigi doontaa mid faraxsan”.

Intaas kaddib Eden Hazard ayaa wax laga weydiiyay lambarka maaliyaadeed uu u xiran doono kooxda Real Madrid wuxuuna isagoo qoslaya ku jawaab celiyay:

“Waxaan la hadlay Luka Modrić, waxaana ka codsaday inuu i siiyo maaliyada Lambarka 10-aad, balse wuxuu ii diiday”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here