Xulka qaranka gabdhaha Japan oo guul ka gaaray dhiggooda Scotland

0
392

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xulka qaranka Gabdhaha Japan ayaa guul muhiim ah 2-1 ka gaartay dhiggooda Scotland kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.

kulankan ayaa ka tirsanaa group-ka D ee koobka Adduunka Dumarka.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku horkacayeen xulka gabdhaha Japan.

Daqiiqadii 23-aad xulka qaranka Gabdhaha ee Japan ayaa hogaanka u qabtay ciyaarta, waxaana goolka u dhalisay gabadha lagu magacaabo Mana Iwabuchi oo cawin ka heshay Jun Endo, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 1-0.

Daqiiqadii 37-aad Yuika Sugasawa ayaa ciyaarta ka dhigtay 2-0, kaddib markii ay dhalisay gool rigoore ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta marka dib leysugu soo laabtay xulka gabdhaha Japan ayaa halkooda ka sii watay bandhigoodii fiicnaa ee dheesha, si ay u abuuran fursado kale ay ku dhalin karaan goolal.

Laakiin xulka qaranka Gabdhaha Scotland ayaa daqiiqadii 88-aad waxay ciyaarta ka dhigeen 2-1 waxaana goolka u dhalisay Lana Clelland.

Ugu dambeyn kulanka ayaa ku soo dhammaaday 2-1 oo xulka gabdhaha Japan ay kaga adkaadeen dhiggooda Scotland kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here