Wiil 13 sano jir ah oo ku nool Baladweyne oo abuurtay fursad shaqo uu nolosha reerkiisa ku dabaro

0
343

Baladweyne(Radio Beerlula)-Cabdimaalik Axmed Baryare oo 13 jir ah  islamarkana ku nool magaalada Baladweyne  ayaa abuurtay fursad shaqo oo nolosha reerkiisa uu ku dabaro, isagoo hami fog ka leh inuu guul ka gaaro ganacsiga.

Waxaa uu wareejiyaa Daango uu Qiima ahaan Dadka Ka iibiyo 10 Sinti oo u dhiganta saddex kun oo shilin Somali ah.

Cabdimaalik ayaa Radio Beerlula u sheegay in daagada uu wareejiyo uu ka helo habeen kasta lacag dhan shan dollar.

Dhalinyarada ku nool Baladweyne ayuu ugu baaqay inay shaqeystan.

Qaar kamid ah Dadka Ku nool magaalada Baladweyne ayaa Bogaadiyay Ganacsiga uu abuurtay  Wiilkan da’da yar.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim Nadaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here