Xildhibaan ku baaqay in dib loo soo celiyo lacagta shilinka Soomaaliga oo laga isticmaalin Baladweyne

0
430

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax kala dire oo ka mid ah baarlamanka Hirshabeelle  islamarkana ku sugan magaalada Baladweyne ayaa ka dalbaday maamulka Hirshabeelle, ganacsatada iyo dowladda federaalka in la socod siiyo lacagta shilinka Soomaaliga oo in muddo ah laga isticmaalin magaalada Baladweyne.

Xildhibaan kala dire  ayaa sheegay in Isticmaal la’aanta lacagta shilinka Soomaaliga ee ka jirta magaalada Baladweyne  ay sameyn weyn ku yeelatay dadka danyarta, islamarkana loo baahan yahay in la socod siiyo si looga gudbo dhibatooyinka laga dhaxlay.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan Ameeriko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here