Xildhibannada golaha shacabka oo maanta yeelanaya kulan looga hadlayo ammaanka.

0
344

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xildhibannada golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ku yeeshan magaalada iyagoo ka doodi doona arrimaha amniga dalka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa  lagu wargeliyay in maanta uu jiro kulankii Amniga looga hadi lahaa, waxaana lala socodsiiyay Xildhibaanada inay waqtiga ilaaliyaan.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo ka lahaa sidii habsami u socodka kulanka Baarlamaanka si caadi ah loogu soo celin lahaa, xaaladana loo dejin lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada ay isku afgarteen in la dhowro nidaamka iyo sharciga, waxaana qorshuhu yahay in maanta Xildhibaanada doodan arrimaha  amniga, isla markaana warbaahinta goobjoog ka noqoto.

Wasiirada Amniga, Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada ay maalinta berri hortagi doonaan Baarlamaanka, si ay uga jawaabaan su’aalaha Xildhibaanada, waxana lagu wadaa in warbaahinta ay dibad joog ka noqoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here