Xogta Kulamada dhacaya koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019

0
395

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxaa lagu guda jiraa heerka guruubyada Tartanka Koobka Qaramada qaaradda Afrika ee 2019 oo la rajeynayo in dhawaan la soo gabagabeeyo, isla markaana ay xulalku u gudbaan wareegga 16-ka Tartankan

Saddex kulan oo ka tirsan tartankan ayaa galabta iyo caawa la kala ciyaari doonaa, waxaana kulan ka tirsan Group E ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 wada ciyaari doona galabta xulalka Mauritania iyo Angola. Ciyaartooda ayaa So Gali Doonto 5:30 Galabnimo:

Dhinaca kalena Group F labo kulan oo ka tirsan ayaa caawa la ciyaari doonaan iyadoo ay isku dheggan yihiin; Cameroon vs Ghana oo Wada Ciyaaraya  8: 00, Habeenimo  iyo Benin vs Guinea-Bissau. oo iyana Kulmaya 11:00 Habeenimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here