Xubno ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan oo kormeeray qeybo ka mid ah Baladweyne

0
394

Baladweyne(Radio Beerlula)- Gudoomiye ku xigeenka maaliyada iyo siyaasada Gobolka Hiiraan Xasan ibraahim Cabdulle  iyo Gudoomiyaha Degmada Baladweyn Maxamad axmad ibraahim ayaa kormeer ku tagay Suuqayada Xoolaha iyo Qudaarta lagu iibiyo ee magaalada Baladweyne.

Kormeerkan ayaa ku saabsanaa sidii xubnaha ay u ogolahayeen badqabka Xoolaha nool ee lagu iibiyo suuqa xoolaha Xaafada hoolwadaag yo Dhaq Dhaqaaqa ganacsi ee ka jira Suuqa Qudaarta lagu iibiyo ee Xafada buunda weyn ee magaalada Baladweyne.

Qar kamid ah Ganacsadata Suuqayada Xolaha iyo Qudaarta ayaa ka waramaya Caqabadaha ku horgudboon iyo sida ay u gancsadaan.

Gudoomiyaha Degmada Baladweyne maxamad axmad ibraahim  Gudoomiye ku xigeenka maaliyada iyo siyaasada Gobolka Hiiraan Xasan ibraahim Cabdulle ayaa ka waramaya ujeedada kormeerkooda.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir  Cumar Ibraahim  Nadaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here