Xubno ka tirsanaa dowladdii hore ee suudaan oo xabsiga loo taxaabay

0
353

Baladweyne(Radio Beerlula)- Golaha cusub ee militariga Sudan ayaa waxay shaaca ka qaadeen in xabsiga loo taxaabay xubno muhim ah oo looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen musuqmaasuq dhacay xilligii dowladii Cumar Al-Bashiir.

Xubnahani ayaa wajihi doona dacwado ay ku soo oogaan maxkamadaha dalkaasi.

Af-hayeen golaha militariga ee dalkaasi ka arimiya Shams Ad-din Shanto, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxaa uu ku sheegay in isbadal lagu sameeyay hoggaanka ciidamada.

Mr Shanto ayaa xusay in taliyayaal cusub loo magacaabay militariga,sirdoonka iyo Booliiska dalkaasi.

Waxa uu intaa ku daray in dhowr ah hay’adaha dowladda dib u habayn lagu samayn doono.

Mar sii horeysay militariga ayaa waxay kulan la qaateen wakiilo ka kala socday xisbiyada siyaasadda iyo ururada si looga wadaxaajoodo xalka dhibaatada Sudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here