Xulka Algeria oo u soo baxay wareega 16-ka koobka qaramada Afrika

0
388

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xulka qaranka Algeria ayaa u soo baxay wareega 16ka xul ee koobka qaramada Afrika kadib markii ay guul muhiim ah oo 1-0 ahayd ka gaareen Senegal waxayna Algeria ku biirtay liiska xulalka wareegan u soo baxay.

Senegal oo iyaduba haysatay fursada ay ugu soo bixi kareen wareega 16ka xul ee koobka qaramada Afrika ayaa guuldaradii ugu horaysay ee tartankan la kulmay, waxayna sugi doonaan kulamada ugu danbeeya Group C.

Xulalka qaramada Algeria iyo Senegal oo kulamadii furitaanka ee Group C guulo ka gaadhay kenya iyo Tanzania ayaa u dagaalamayay sidii ay uga mid noqon lahaayeen xulalka u soo baxay wareega 16ka ee tartanka koobka qaramada Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here